Bartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo u dhexeeyaya Ciidamada Dowlada iyo xoogaga Mucaaradka ayaa saaka waabarigii hore waxa ay ka qarxeen xaafadu ku teedsan Xarunta Madaxtooyada Degmada Wardhiigley Ee Muqdisho.
Dagaalkan ayaa waxa u ka bilowday Xaafadaha Caga-dhiig,Otto-Otto iyo Frolenca oo inta badan ka mida Degmada Wardhiigley Ee Muqdisho iyadoo labada dhinac ay isdhaafsadeen rasaasta culus iyo Mida fudud intaba.
Goobaha ay dagaalada ka socdeen ayaa waxa ay ahaayeen deegaano kaabiga ku haya Xarunta Villa Somaliya oo ay ku suganyihiin Madaxda ugu sareysa dalka iyo Ciidamada AMISOM taasi oo dagaalkii saaka ka dhigtay muddo kooban in uu socdo.
Ma jirin wax duqeyma ah oo dagaalka ka danbeeyay ee loo geystay muqdisho wallow ay labada kooxood ku dagaalameen dhul aag dagaal ahaa oo dadkii daganaa ay horey uga barakaceen.
Illaa haatan inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku geeriyootay illaa 2-ruux halka dhaawac uu ka badanyahay intaasi mana jiro wax war ah oo dagaalka ay ka kala sheegteen Ciidamada Dowlada iyo dhanka Xoogaga Mucaaradka.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.