Dagaalo qarar oo caasimada ka qarxay.

Posted on Sep 23 2010 - 9:55am by News Desk
Tweet
Pin It

dsc00108Bartamaha(Muqdisho):- Dagaal qaraar ayaa saaka ka qarxay xaafado badan oo ka mida Magaalada Muqdisho kaasi oo u dhexeeyay Alshabaab iyo Amisom.

Dhawaqa rasaasta iyo Madaafiicda xoogeeda ayaa saaka laga maqlayay xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho ka dib markii Islaamiyiinha shabaabka ay weerar culus ku qaadeen Saldhigyada Amisom iyo Dolada.

Dagaalka ayaa waxa uu daqiiqad ka wada qarxay Degmooyinka Hodon,Howl-Wadaag,Wardhiigley,Boondheere,Shibis iyo xaafado ka mida C.Casiis oo ay dhammaan isku horfadhiyaan Alshabaab iyo Amisom oo Dowlada gacan siinayso.

Dagaalka Xoogiisa ayaa ka dhacay wadada Frolenc Ee Degmada Wardhiigley taasi oo aad ugu dhow Villa Somalia waxaana ay Amisom iyo Alshabaab ay gacmaha iskula tageen meel ku dhow Dugsiga ALLAAHI oo aad ugu dhow Villa Somalia.

Alshabaab ayaa saaka u muuqanaysay mid doonaysay in dagaalka ay ku qabsato saldhigyo Muhiima waxaana laga celcelinayay Madaxtooyada oo ay qarka u saarnayd muddo saacada ah in ay caga dhigaan wallow Taangiyada Amisom ay soo bexeen si Villa Somalia loo difaaco.

Sidoo kale Wadada Dabka Ee Degmada Hodon ayaa waxaa ka dhacay dagaal faraha looga gubtay markii Ahlu sunnah ay gacan xoogan oo isku difaacdo ka heshay Ciidanka Midogw Afrika oo maanta gawaarida ka soo dagay islamarkaana difaacayay jidka Makka Al Mukarama.

Dagaalada sidaa u xoog badnaa ayaa woxoogaa qaboobay markii Madaafiic ay labada dhinac si xun isugu adeegsadeen iyadoo aan loo meel dayaynin taasi oo sababtay in shacab badan ay ku dhintaan dagaalka saaka qarxay.

Dhowr Madfac oo Bakaaraha iyo deegaanada ku dhow ayaa dad shacab ah ku dhinteen waxaana dhaawac ahaan loo qaaday xiligaasi in ka badan 7-ruux oo dhammaan rayid ah.

Lama ogaan karo qasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalka u dhexeeyo iyadoo dagaalka maanta ay qaadeen Kooxda Alshabaab iyadoo Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom dhankooda ay si weyn isaga difaacayaan Xoogaga Alshabaab oo weerar qorsheysan saaka u jarmaaday.

Wixii ku soo kordha xaalada dagaalka iyo Qasaaraha shacabka ka soo gaaray Madaafiicda kala soco www.Bartamaha.Com.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]