Dagaalo qaraar oo maanta ka dhacay Deegaanka Maxaas Ee Gobolka Hiiraan.

Posted on Jul 22 2009 - 7:37pm by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA FIGHTING

Bartamaha(Maxaas):-Dagaaladan oo ahaa kuwa aad u qaraar ayaa maanta waxa Deegaanka Maxaas uu ku dhexmaray Ciidamada Xarakada ALshabaab iyo Kuwa maamulka Dowlada ee Deegaankaasi.

Dagaalka ayaa labada dhinacd waxa ay isku adegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo la sheegayo in halkaasi ay ka dhacday rasaas muddo saacada ah socotay.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Maxaas Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Xarakada Alshabaab ay dib ugu laabteen Deegaankii markii hore uga soo duuleen Maxaas.

Xaalada ayaa u muuqata mid xasiloon iyadoo ay jiraan qasaara naf iyo Maal leh oo maanta uu dhaliyay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Maxaas.

Ma aha markii ugu horeysay Ee Deegaanka Maxaas uu ka dhaco dagaal u dhexeeya Islaamiyiinta Mucaaradka iyo Maamulka Deegaankaasi oo gacan ka helaya Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.