Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalo xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Amisom iyo Xoogaga Mucaaradka ayaa xalay ka dhacay Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho iyadoo duqeyn ba’an loo geystay gobo shacabka ay daganaayeen.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Agagaarka Kuliyadii Jaale Siyaad halkaasi oo ay daganyihiin Ciidamada Amisom iyadoo la xaqiijiyay in weerar qorshaysan ay ku soo qaadeen Xoogaga Islaamiyiinta ah.
Illaa haatan lama ogaan karo qasaaraha ka dhashay dagaalada xalay ka dhacay Xaafado ka mida Magaalada iyadoo madaafiicda badankood ku dheceen deegaano ay ku badanyihiin dadka shacabka.
Dhanka kale madaafiic Hoobiyaha ayaa la xaqiijiyay in la isku dhaafsaday Deegnaaka Kaxda Degmada Dharkenley Ee Muqdisho halkaasi oo ay dadkii dsaganaa badankood horey uga barakaceen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.