Bartamaha(Muqdisho) :- Xalay saqdii dhexe ayaa marqura deegaanada Xoosh ,Kaxda oo ka mida degamada Dharkenley waxaa ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Islaamiyiinta oo weerar ku soo qaaday gobo horay looga qabsaday.
Â
Dagaal xoogan ayaa goobahaasi ka qarxay kuwaasi oo ay barbar socdeen madaafiicda ka dhacda Qoriga Taangiga iyo Hoobiyayaal oo si toos ah ugu hoobanaysay goobaha dagaalada iyo deeganaada ka agdhow.
Â
Weerarkii xalay ayaa ahaa mid in mudda ah ka socday deegaanadaasi iyadoo ay dagaalka ka qeybgaleen ciidamada Amisom oo fariisinkooda Jaamacdii Umadda lagu garaacay Hoobiyayaal ka dibna ay dhankooda Jawaab Culus ka bixiyeen.
Â
Illaa saaka xilli hore ayaa deegaanadaasi waxaa ka dhacayay dagaal aan xalay oo idil ka hakan goobaha ka mida Degmada Dharkenley iyadoo waxyeelada uu sababay dagaalkii ay duqeymaha la socdeen warar kala duwan uu ka soo baxayo.
Â
Inta la ogayahay Madaafiicdii xalay la isku dhaafsaday Degamada Dharkenley ayaa sababatya dhimashada ilaa 3-Ruux iyo dhaawaca la dhigay isbitaalada Muqdisho oo gaaraya ilaa 10-ruux kuwaasi oo intooda badan ahaa dad rayid ah.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.