Bartamaha(Muqdisho):-Xaalada Degmada Kaaraan ayaa saaka kacsan halkaasi oo uu ka socanayo dagaalo goos goos ah oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga ka spoo horjeeda ee maalmahan isku horfadhiyay Deegaanadaasi.Â
Dagaalka saaka dib uga bilowday Degmada Kaaraan ayaa waxa uu yahay mid aan sidaa u xooganayan wallow la maqlayo rasaas ay labada dhinac isku dhaafsanayaan aagaga ay maalmahan kala joogeen ee degmada Kaaraan.
Rasaasta ayaa waxa ay ka bilaabatay Deegaanka Kawaankii gowraca xoolaha oo ay ku suganyihiin Xoogaga Alshabaab iyo Deegaanka Liida oo ay ku suganyihiin Ciidamada Dowlada halkaasi oo ay labada dhinac rasaas isku dhaafsanayeen aroornimadii saaka.
Sidoo kale rasaasta ayaa waxa ay ka dhacaysay Isgoyska Kaaraan oo ay isku hor’fadhiyaan labada dhinac halkaasi oo uu dagaal xilli kooban xooganaa uu ka dhacay.
Xaalada Degmadaasi ayaa maanta u muuqata mid xaaladeedu ay tahay mid kacsan iyadoo labada dhinac ay wadaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan kuwaasi oo ay ku doonayaan dagaal dhexmara.
Inta la xaqiijiyay rasaastan goos gooska ah ee manta ka socota Degmada Kaaraan ayaa waxaa ku dhaawacantay ilaa 3-ruux oo rayid ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.