Dagaalo culus oo saaka ka qarxay Deegaanka Wabxo Ee Gobolka Galgaduud.

Posted on Jun 5 2009 - 8:47am by News Desk
Tweet
Pin It

daacad-u-ahBartamaha(Muqdisho):-Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada Xoogaga Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo dhinac ah iyo Ciidamada kooxda ALhu-Sunnah Wal-Jamaaca ayaa saaka waxa uu ka bilowday duleedka Deegaanka Wabxo halkaasi oo ay gacanta ku hayaan maalmihii la soo dhaafay Kooxda ALhu-Sunnah Wal-Jamaaca.

 

Dhawaqa madaafiicda Hoobiyayaasha iyo rasaasta nuucyadeeda kala duwan ayaa laga maqalayaa deegaanka Wabxo iyadoo dagaalka maanta la sheegay in ay gudaha deegaankaasi ay ku soo galeen Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo horay bannaanka kaga joogay deegaanadaasi.

 

Dagaalka ayaa weli ka socanaya deegaanadaasi iyadoo labada dhinac ay kala helayaan gurmadyo kala gadisan oo uga kala imaanaya deegaanada ay maamulaan ee gobolkaasi Galgaduud.

 

Labada dhinac eek u dagaalamaya Wabxo yaa horay waxaa u dhexmaray dagaal culus kaasi oo ay ku barakaceen dadweynihii daganaa Tuuladaasi kuwaasi oo ilaa haatan bannaanka ka jooga guryihii ay ku lahaayeen gudaha Deegaankaasi.

 

Wararka naga soo gaaraya Wabxo ayaa la sheegayaa in ay gacan ku haynteeda uu muran ka taaganyahay iyadoo ay labada kooxood ay ku wada dagaalamayaan gudaha deegaankaasi oo ilaa xilligan ay rasaasta ka dhacayso.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka u dhexeeya Ahlu-Sunnha iyo Alshabaab kala soco wararka soo socda.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â