Dagaallo Qaraar oo maanta ka qarxay Galbeedka Magaalada Dhoobley ee Gobolka J/hoose.

Posted on Dec 19 2009 - 4:27pm by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA-UNREST

Bartamaha(dhoobley):-Dagaalladan oo u dhexeeyay Xoogaga Xarakatu shabaabul mujaahidiin iyo Ciidmadii uu watay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu xubin sare ka ah Ururka Xizbul Islaam ayaa saaka abaare 7:00 subaxnimo ka qarxay Tuulada Cali buuley oo dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Dhoobley ee gobolkan J/hoose.

Dagaalkani ayaa yimid kadib markii ciidamada Xarakatu shabaabul mujaahidiin oo watay gaadiidka dagaalka ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Axmed Madoobe ku lahaayeen Tuulada Cali Buuley oo dhanka galbeed kaga beegan Deegaanka Dhoobley iyadoo ciidamadii halkaasi ku sugnaa ay ka war heleen dhaqdhaqaaqi ay wadeen xoogaga Alshabaab waxaana ay arintaasi sababtay in uu halkaasi labada ciidan ku dhex maro dagaal aad u culus oo qaatay saacado badan.

Wararka aynu ka heleyno deegaanka dhoobley ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid aad u culus islamarkaasina la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kale duwan, waxaana ay wararku sheegayaan in dagaalku uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh wallow aan la ogeyn tirada dadka ku waxyeeloobay dagaaladaasi.

Sikastaba ha ahaatee ma jiraan warar madax banaan oo ku aadan halka ay kala joogan labada ciidan marka laga reebo Sarkaal u hadlay Xarakatu shabaabul mujaahidiin oo sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalkii ay maanta la galeen xoogagii uu horkacayay Axmed Madoobe, ilaa iyo haatanna ma jiraan wax war ah oo ku aadan dagaalkaasi oo kasoo baxay dhanka Masuuliyiintii uu hogaaminayay Axmed Madoobe.

 

Wixii kusoo kordha dagaaladaasi dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insh’alah.

 

Ismaaciil Cali Cabdi

Bartamaha

Kismayo-Somalia