Dagaalkii saaka ka bilowday Muqdisho oo istaagay iyo qasaara ka dhashay oo sii kordhaya.

Posted on Aug 21 2009 - 8:20am by News Desk
Tweet
Pin It

muqdishBartamaha (Muqdisho):- Dagaaladii saaka ka bilowday qeybo ka mida Magaalada Muqdisho ayaa istaagay barqanimadii maanta ka dib muddo saacada ah uu halkaasi ka socanayay.

Xaalada Wadada KM.4 illaa Isgosyka Dabka ayaa dagan ka dib markii dagaal qaraar uu saaka ka bilowday wadadaasi oo ay fariisin  ku leeyihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom.

Dagaaladii saaka dhacay iyo kuwii Xalay magaalada gil-gilay ayaa la xaqiijiyay in ay dhaliyeen dhimashada in ka badan 25-ruux iyo dhaawaca oo sii caga-cageynaya 55-ruux oo badankood la dhigay Isbitaalada Madiina iyo Dayniile.

Madaafiicda iyo dagaalada ka dhacay wadada Shaqaalaha iyo KM.4 ayaa waxaa ku nafwaayay dad rayid ah oo badankood ay guryahooda ku dishay rasaasta halka kuwa kalana ay madaafiicda ku waxyeeloobeen.

Xaalada Muqdisho ayaa ahayd 24-saac Ee la soo dhaafay mid aad u kacsan iyadoo dagaala isxigxigay ay ka dheceen magaalada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo badanaa ay ku dhinteen dad aan siyaasadaha isdiidan qeyb ka ahayn.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.