Bartamaha (Muqdisho):- Dagaalkii xooganaa ee Maalmihii u danbeeyay ka socanayay xaafadaha Degmada Hodon ayaa maanta galay maalintii Saddexaad.
Wararka Bartamaha Media ka soo gaaraya aagaga hore ee dagaalada Degmada Hodon ayaa sheegaya in Ciidanka Dowlada ay dhankooda weli sii wadaan weerarada ku wajahan Xoogaga Mucaaradka iyagoo ka talaabsaday dhufaysyo badan oo ay mucaaradka lahaayeen.
Sida warka nagu soo gaarayo dagaalka ayaa maanta ka socanaya xaafadaha ku dhow dhow Fagaaraha Terbuunka illaa Deegaanka Warshadii hore Ee Caanaha ka dib markii Xoogaga Mucaaradka ay guud ahaan dhufaysyada baneeyeen.
Islaamiyiinta ayaa dagaalkooda u badalay ku dhifo oo ka dhaqaaq iyagoo galay gudaha xaafadaha si ay isaga caabiyaan weerarka ka socda dhanka Dowlada iyo Ciidanka Amisom oo dagaalka socanaya qeyb weyn ku leh.
Aagaga la isku hayo ayaa laga maqlayaa daryanka madaafiicda iyo rasaasta xoogeeda waxaana la qiyaasayaa in labada dhinac ay qasaara ka soo gaarayso dagaalka socanaya maadaama la isklu hayo dhul yar oo ka mida Degmada Hodon.
Wixii dagaalka ku soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika