Dagaal xoogan oo saaka dib uga qarxay Deegaano ka mida Degmada Dharkenley Ee Muqdisho.

Posted on Aug 27 2009 - 7:35am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIABartamaha (Muqdisho):-dagaalo qaraar  ayaa saaka waxa ay dib uga bilowdeen deegaano ka mida Degmada Dharkenley oo xalay la isku fara saaray.

Dagaalka saaka dhacay ayaa waxa uu ahaa mid aad u xoogan kaasi oo ka bilowday goobo xalay ay ku dagaalameen Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Islaamiga ah halakasi oo saaka dagaal xoogan uu dib uga dhacay.

Madaafiicda iyo rasaasta labada koox isdhaafsanayeen ayaa laga maqlayay deegaano ka mida Caasimada iyadoo la sheegay in Ciidamada Amisom ay madaafiic uga qeybgaleen dagaalka saaka dhacay.

Inta la ogyahay isku geynta qasaarihii xalay iyo saaka dhashay ayaa waxa ay gaarayaan dhimashada 5-ruux iyo dhaawacyada la geeyay goobaha caafimaadka oo gaaraya 15-ruux oo rayid u badan.

Ma jiro wax awr ah oo ka soo kala baxay dhinacyada Xalay iyo Saaka ku dagaalamay magaalada Muqdisho iyadoo lagu soo waramayo in jawigu uu haatan yahay mid xasiloon waxaan dib u bilowday dhaqdhaqaaqii dadka iyo Gaadiidka Deegaanada lagu dagaalamay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.