Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalkan oo u  dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom iyo Xoogaga Islaamiga ah ayaa ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama Ee Muqdisho.
Dagaalka ayaa ahaa mid aad u xoogan islamarkaana ay madaafiic barbar socdeen kuwaasi oo la sheegay in ay ku dheceen suuqa Bakaaraha iyo deegaano kale.
Sababta dagaalka ayaa dadka deegaanka ay sheegeen in uu ku bilowday madaafiic iyo rasaas culus taasi oo ay isweydaarsadeen Ciidamadii ka soo laabtay galbinta Madaxweynaha iyo islaamiyiinta oo ku dhawaaday makka Al-Mukarama.
Inta la ogyahay dagaalka maanta dhacay ayaa waxaa ku nafwaayay 3-ruux iyadoo ay dhaawacyo ay soo gaareen ku dhawaad 6-ruux kuwaasi oo dhammaantood shacab ah.
Dagaalka maanta dhacay ayaa waxa uu qeyb kla yahay dagaalo soo laablaabtay kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay muqdisho joogta ka noqday.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.