Dagaal xoogan oo maanta ka dhacay Duleedka Balad-Weyne iyo Ahlu-Sunnah iyo Xizbul Islaam oo guula ka kala sheegtay.

Posted on Dec 27 2009 - 5:15pm by News Desk
Tweet
Pin It

dagaBartamaha(B/Weyne):-Dagaal qaraar ayaa maanta ka dhacay Duleedka Magaalada Balad-Weyne kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka Ahlu Sunnah iyo kuwa Xizbul Islaam oo dagan duleedka magaaladaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday markii weerar gaadma ah lagu soo qaaday saldhiga Ciidanka Xizbul Islaam ee Deegaanka Waadiga Xujub oo dhaca duleedka galbeed Ee Magaalada Balad-Weyne.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku dhaafsadeen hubvka nucyadiisa kala duwan taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.

Gudoomiyihii Degmada Maxaas Gobolka Hiiran Aadan Cabdule Cawaale oo haatan ah Sargaal ka tirsan Ahlu Sunnah ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabeen howlgal deeganka ay uga saarayaan Kooxo ku soo duulay.

Masuulkaasi aya sheegay in weerarka ay dhankooda soo qaadeen islamarkaana ay qasaara u geysteen ciidanka Kooxda Xizbul Islaam oo ku sugnaa Deegaanka Waadiga xujuub.

Dhinaca Kooxda Xizbul Islaam ayaa waxa u hadlay Macalin Faarax Daa’uud madaxa amniga Xizbul Islaam B/weyne ayaa waxa uu sheegay in ay qasaara u geysteen Ciidanka ku soo duulay.

Guula kala sheegadka labada dhinac iyo xaalada oo dagan ayaa waxaa barbar socda dagaal markale laga cabsi qabo in uu deegaankaasi ka dhaco maadaama ay is horjoogaan labada ciidan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.