Bartamaha(Muqdisho):- Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid xoogan kaasi oo ka dhacay Wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho oo dhawaanahan ay isku horfadhiyeen Mucaaradka iyo Ciidanka Dowlada.
Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday dhanka Islaamiyiinta Mucaaradka kuwaasi oo madaafiic ku garaacay xarunta Ciidamada Dowlada Ee Warshadii Kabka Muqdisho halkaasi oo jawaab iyo iska cabin ay ka dhacday.
Muddo ka badan 30-daqiiqo ayaa waxaa rasaas iyo Madaafiic laga maqlayay Wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isku horfadhiyeen labada dhinac wallow Ciidamada Amisom aanay dagaalka ka qeyb ahayn.
Lama oga qasaaraha kala gaaray dhinacyada weerarka soo qaaday oo ah Mucaaradka Dowlada iyo Ciidankii la weeraray ee daganaa dhismaya Warshada Kabka Wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho.
 Xaalada ayaa caadi ku soo laabatay markii in mudda ah ay rasaasta halkaasi ka dhacaysay iyadoo aan la garan Karin qasaaraha dhabta ah ee goobtaasi ka dhashay maadaama wadada warshadaha ay noqotay mid u xeran Mucaaradka iyo Dowlada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.