Bartamaha (Muqdisho):- Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Puntland iyo kuiwa Wadaadka Sheekh Atam ayaa Xalay saqdii dhexe ka qarxay Buuralayda Galgala.
Dagaalka ayaa la sheegay in xalay uu ka qarxay dhulka Buuralayda ah ee Gobolka Bari ka dib markii Ciidanka Wadaadka dagaalka uga soo horjeeda Puntland ay bilaabeen ku dhufo o ka dhaqaaq.
Dagaalka Xalay ayaa waxaa ku dhintay 5-ruux in ka badan 14-kalana dhaawac ahaan ayaa lagu dabiibayaa markii Madaafuic culus ay labada dhinac isku dhaafsadeen Dhulkaasi Buuralayda ah.
Dhaawacyada qaar ayaa la sheegay in ay rayid yihiin markii saamaynta dagaalka uu gaaray deegaano ay weli shacab ku harsanyihiin oo klu yaala Buuralayda.
Buuralayda Galgala ayaa weli ah meel colaadeed waxaana isku horfadhiya Ciidanka Puntland iyo Xoogaga Sheekh Maxamed Siciid Atam uu hogaamiyo kuwaasi oo kui kacsan Dowlada Puntland.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
waxa la yaab leh mashruucan argagixiso la dagaalanka oo muslim la dagaalan ninka fulinaya oo dad masaakiina ku laynaya diintuu haystaa anigu ma taageersani kooxaha iyaguna dadka usoo jiida dhib aanay ka bixi karin waxaan ka run ahayn sheegta
waa duni caqligu fooraroo ,cagaha ku taagan
waa duni gabo gabo joogtoo ,laga gayoonaayo
waa duni guntii isugu hadhoo, gobi ka hoyatay
waxan layabey sheikh qori wataa uun baan ma qalnaa iyo sheikh dagaal kicinayaa, ee malawaayey sheikh dadka ciil u qodaa iyo sheikh isaga is xil qaamey oo dadka isugu yeerey raba in u mashruuc masakiinta lagu cawinaya sameeya majiro miyaa
waxan uun aragnaa sheikh baan dagaal kiciyey iyo sheikh baa jihaad wadaa
nabi mohamed saan ma eheen nabiga dadkuu caawin jirey
ee diinta ha la hagaajiyo sheikh yashaana ha la iska qabto waashey
nabadgalyo
ASC Walaal,
Si aad u ogaato arrinta dhabta ah ee ka jirta Galgala, oo ilaa Majiyahan ilaa hadda so noqnoqonaysa halkaan ka akhriso, http://www.laasqoray.org/press/?p=7432.
Markaas ayey ogaanyaan dad badani waxa dhabta ah ee ka jira meesha, oo niman calooshood u shaqeystayaal ah iyo wiilashood ayaa xaraan kaga dhergeen burcadbadeednimo, dil, dhac iyo boobid xoolaha dad walaalahood ah. Xabashidii u talin jirtay ayaa markay Sooamaali dhameeysey oo bahdishay ayeey sannadkan u tilmaamtay buurtan Galgala.
ramdaaaan kariim —- ilaahy ha ka qabto waldeena nabdaa jecl waa yaaab in arga gaxesdeena meelkasto dagaal ko qadyso