Dagaal Xalay iyo saaka ka kala dhacay Degmada Dharkenley iyo Woqooyiga Muqdisho.

Posted on Jan 9 2010 - 7:33am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalBartamaha(Muqdisho):-Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Dowlada iyo Islaamiyiinta ayaa xalay ka dhacay xaafado ka mida Degmada Dharkenley Ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaasi ayaa waxa uu ahaa mid xoogan oo ay soo qaadeen Kooxaha Islaamiyiinta iyadoo madaafiic iyo rasaas culus ay isweydaarsadeen Ciidamada Militariga eek u sugan Xoosh.

Fariisinka Xalay la weeraray oo ay Ciidamada Dowlada ka daganyihiin Deegaanka Xoosha ayaa waxa uu ahaa midka ugu ammaanka wanaagsan oo aan inta badan la kulmin weerar iyo dagaal ay soo qaadaan Kooxaha Islaamiyiinta.

Lama oga qasaaraha kala gaaray Ciidanka Militariga iyo Islaamiyiinta xalay soo weerartay wallow ay Ciidanka Dowlada ay sii joogaan goobtii xalay lagula dagaalamay oo ah Deeganka Xoosh.

Dhinaca kale Saaka aroornimadii ayaa waxaa dagaal uu ka dhacay Xaafado ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isku qabteen Ciidanka Dowlada iyo Xoogaga Islaamiyiinta.

Dagaalka ayaa la shegay in uu bilowday markii Cidiamada Dowlada ay isku faafiyeen Degmooyinka Shibis,Boondheere iyo xaafado ka mida Yaaqshiid iyadoo halkaasi uu dagaal ka bilowday.

Ciidamada Dowlada ayaa waxaa la sheegay in ay saaka mar tageen Isgoyska Siinaay oo ay xalay ka bexeen Ciidanka Islaamiyiinta taasi oo dhalisay in dagaalka uu ka dhaco Deegaankaasi.

Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay dib ugu gurteen goobihii ay ka soo bexeen iyadoo Islaamiyiinta ay dib u dageen halkii ay joogi jireen oo ahayd goob aad ugu dhow Madaxtooyada iyo Wadooyinka gala.

Qasaaraha dagaalka saaka dhacay uu dhaliyay ayaa warar is qilaafsan uu ka soo baxayaa iyadoo la sheegay in saddex qof ay ku dhaawacmeen madfac ku dhacay guri ku yaalay Degmmada Buundheere.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ay bixiyeen saraakiisha Dowlada iyo kuwa Islaamiyiinta oo inta badan dagaalada ka sheegta guula xili waliba oo qasaaraha uu shacabka gaaray.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.