Dagaal saaka ka dhacay xaafado ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia.

Posted on May 13 2010 - 6:15am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalyahanoBartamaha(Muqdisho):-Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Dowlada iyo kuwa Alshabaab ayaa saaka ka dhacay wadooyinka gala Madaxtooyada.

Dagaalka saaka ka dhacay Wadada Frolenc iyo Wadada Aadan Cadde oo ah labada wado ee gasha Madaxtooyada ayaa yimid markii Alshabaab Ciidankooda ay u dhawaadeen Madaxtooyada.

Dagaal xoog badan ayaa mar qura bilowday kaasi oo taangiyada Amisom ay madaafiic ka soo rideen Madaxtooyada dhexdeeda si ay isaga fogeeyaan Ciidamada Alshabaab oo u siqayay Madaxtooyada.

Waqti yar ka dib xaalada ayaa caadi ku soo noqotay waxaana jiray madaafiic Hoobiyayaal ah oo ku dhacayay aagaga hore ee dagaalka uu ka dhacayay.

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa aad ugu dhow Dhufaysyada ay joogaan Ciidamada Alshabaab iyo kuwa Xizbul Islaam oo labadaba aad muudo in ay doonayaan ku sii dhawaanshaha madaxtooyada.

Inta badan waxaa rasaasta qoryaha Fudud ay ku ridaan Xoogagan Mucaaradka gudaha Madaxtooyada si ay ula beegsadaan dadka dhex maraya Madaxtooyada oo qaar ka mid ah ay horay u beegsadeen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia