Bartamaha (Muqdisho):- Dagaal xoog badan ayaa saaka ka dhacay xaafado ka mida Magaalada Muqdisho iyadoo duqeyn loo geystay xaafado rayidka daganyihiin.
Dagaalka saaka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay xaafadaha Degmad Boondheere halkaasi oo dhawaanahan ay isku hayeen Maleeshiyaadka Shabaab iyo Askarta Dowlada kuwaasi oo isku mari waayay deegaanada ku dhow Madaxtooyada.
Ciidanka Amisom ayaa saaka dagaalka uga qeybgalayay Madaafiicda Pm-ka iyo Hooobiyayaal ku hoobanayay xaafado ay weli ku suganyihiin dad shacab ah  kuwaasi oo saaka la kulmay waxyeelada madaafiicda lagu garaacay deegaanada ay joogeen.
Inta la ogyahay dagaalka saaka ayaa sababay dhimashada 5-ruux iyo dhaawaca tira intaas ka badan ka dib markii Hoobiyayaal lala dhacay xaafadaha Siinaay,Suuq Bacaad iyo qeybo ka mida Degmada Boondheere oo dagaalka xoogiisa uu ka dhacayay.
Dadka shacabka ah ee saaka dhintay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ku harsanaa suuqa Siinaay oo aan sidaa uga fogayn goobta dagaalka xoogiisa uu ka dhacayay Ee Degmada Boondheere waxaana la arkayay gaadiidka gurmadka oo daabulaya dhaawacyada shacabka.
Xaalada ayaa daganaan ku soo laabatay ka dib madaafiic iyo Garneelo lagu garaacay dhulka ay joogaan dadka shacabka ah waxaana labada koox ee dagaalantay sabab u noqdeen dhimashada shacabka oo kaliya iyagoo kala jooga goobaha dagaalkooda uu ka bilowday.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.