Dagaal qasaara sababay oo mar kale ka qarxay Galgala.

Posted on Aug 13 2010 - 2:36pm by News Desk
Tweet
Pin It

gal;galaBartamaha (Galgala):- Dagaal xoog badan ayaa saaka markale ka qarxay buuralayda Galgala oo ka mida Gobolka Bari halkaasi oo dhawaanahan xaaladeeda ay qasnayd.

Dagaalka ayaa saaka si xoog badan uga bilowday deegaanka Galgala oo maalma ay joogeen Ciidanka wadaadka ku kacsan Dowlada Puntland kaasi oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Siciid Atam oo Buuraha ka dagaalamaya .

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in ay weerarka soo qaadeen Ciidanka Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Atam oo si aad ah u weeraray Ciidanka Puntland ee ku sugan Buurta Deegaanka Galgala iyo deegaano ku dhow.

Dagaalka oo muddo socday ayaa waxa uu ku fiday Deegaanka Madashoon oo ay dhawaanahan joogeen Ciidanka Wadaadka dagaalka kula jira Ciidanka Puntland oo isku bahaystay la dagaalanka Wadaadkaasi.

Dhaawacyad Ciidanka Puntland ayaa la geeyay magaalada Boosaaso waxaana la ogayn qasaaraha gaaray Kooxda Sheekh Atam oo ah koox ku sugan dhulka Buuralayda ah oo aad uga fog isbitaalada iyo goobaha wax lagu dabiibo.

Sheekh Atam oo ah sargaalka Ciidanka Wata la dagaalamaya Puntland ayaa VOA u sheegay in dagaalka uu yahay mid guul ku dhamaaday dhawaana ay sii balaarinayaan dagaalada ka dhanka ah Ciidanka Puntland.

Wadaadkaasi waxa uu qaab qabiil ka dhigay dagaalkii mudooyinkan socanayay waxa uuna sheegay in ay duulaan ku yihiin dhul dhan iyo beelaha dagan taasina ay abuurayso colaad aan ka harin Kooxda dagaalka hogaaminaysa.

Xaalada ayaa caadi ku soo laabatay muddo dagaalka markii uu ka socanayay Buuralayda Galgala oo ay joogaan Kooxda uu hogaamiyo Sheekh Atam iyo Ciidanka Puntland oo ku sugan duleedka Deegaankaasi.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]