Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada dowlada Fd soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay fariisinada looga sameeyay qeyba ka mida degmada Dharkenley ayaa barqanimadii manta waxa ay weerar ku qaadeen kooxaha islaamiyiinta ah ee daganaa Saldhiga Galbeed Ee Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxa uu yahay mid si xoogani uga socanaya deegaankaasi Dharkenley halkaasi oo ay ciidamada dowlada oo gaaraya ilaa 500-Askari ku dhawaad ay weerar ku qaadeen ciidamo mucaardka ay leeyihiin oo fariisin ku lahaa Saldhiga galbeed.
Xaalada deegaanadaasi ayaa welli kacsan iyadoo la maqlayo daryanka rasaasta ay labada dhianac isdhaafsanayaan taasi oo waxyeela ay ka soo gaartay rasaasta dhacay dad rayid ah oo gaara ilaa 10ruux oo dhaawaca illaa haatan la dhigay isbitaalka madiina.
Ciidamada dowlada ayaa la sheegayaa in ay dhowr jiho ka weerareen Xarunta Saldhigaasi iyadoo wadooyinka Xoosh iyo Wadada Macmacaanka ay rasaastu ka socanayso taasi oo aan la ogayn cidda ilaa haatan aan wax guul ah laga gaarin dagaalka iminka socanaya oo la xaqiijiyay in uu welli ka holcayo goobtii ay rasaasta ka bilaabatay.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa saacad waliba waxaa laga cabsi qabay dagaalo dhexmara dhinacyada isku horfadhiyay deegaankaasi dharkenley halkaasi oo ay manta weerarka ay bilaabeen ciidamada dowlada.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia