Dagaal qaraar oo saaka ka dhacay Degmada Hodon Muqdisho.

Posted on Apr 27 2010 - 7:51am by News Desk
Tweet
Pin It

dagalxamarBartamaha(Muqdisho):-Dagaal xoogan ayaa saaka ka dhacay Xaafadaha Degmada Hodon Muqdisho ka dib markii weerar qorsheysan ay ku  qaadeen Xoogaga Mucaaradka saldhigyada Amisom iyo kuwa Dowlada.

Dhawaqa Madaafiicda iyo rasaasta xoogan ayaa saaka aroornimadii hore waxa ay mar qura isqabsatay Xaafadaha kala duwan ee Degmada Hodon oo ay isku horfadhiyaan Ciidanka Dowlada iyo Xoogaga Islaamiyiinta.

Fagaaraha Terbuunka oo ahaa goobta dagaalka xoogiisa uu ka dhacay waxaa halkaasi dhawana gaaray Ciidamada Dowlada oo ka saaray kuwa Xizbul Islaam waxaana saaka weerar ku soo qaaday dhinacyada Mucaaradka oo iskaashanayay.

Dhinaca kale waxaa dagaalka uu ka dhacay wadada Shaqaalaha markii Mucaaradka ay soo weerareen saldhig amisom ay ku leeyihiin dhismihii Shaqaalaha iyadoo daryanka madaafiicda iyo rasaasta laga maqalayay magaalada inteeda kale

Lama oga qasaaraha kala gaaray Kooxaha dagaalamay waxaana jiray rasaas wax ku dishay xaafado ka baxsan goobaha dagaalka sida Degmada Waabari iyo Xamar jajab oo rasaasta ay u gudbaysay.

Dagaalada ka dhaca Caasimada waxaa inta badan ku la’da shacabka maatada ah oo aan waxba galabsan iyadoo aanay wax natiija ah kala gaarin kooxaha shacabka dushiisa ku hardamaya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Ba.Com

Muqdisho-Somalia.