Dagaal lagu Hoobtay oo Maanta ka dhacay Woqoyiga Muqdisho (Saraakiil dhimatay iyo Shacab la’day).

Posted on Mar 10 2010 - 1:49pm by News Desk
Tweet
Pin It

1_921714_1_34_993330873Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal qasaara ba’an dhaliyay ayaa maanta ka dhacay Xasafadaha Woooyiga Muqdisho ka dib dagaalo soo noqnoqday oo maanta ka socanayay Xaafadahaasi.

Dagaal ayaa saaka ka dhacay xaafadaha Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho kaasi oo ay qaadeen Kooxaha Mucaaradka wallow markii danbe lagu soo rogaal celiyay oo qasaara badan la gaarsiiyay Xoogaga Mucaaradka.

Dagaalka labaad ayaa waxa uu bilowday markii Islaamiyiinta ay dib uga labteen weerarkii ay ku qaadeen Xaafadaha la isaga soo horjeedo ee Degmooyinka Shibis,C.Casiis iyo Kaaraan waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamo xoogan oo kuwa Dowlada ah.

Weerarka ka yimid Dowlada ayaa sababay dhimasho rag Saraakiil sare ah oo Alshabaab ka dhintay iyadoo aagaga Dagaalka guud ahaan ay la wareegeen Cidiamada lagu soo tababaray Dalka Jabuuti oo markii ugu horaysay dagaal toos ah maanta galay.

Xaafadaha Nasii-Buundo,Shibis oo dhan iyo Xaafadaha Degmada C.Casiis iyo Kaaraan ayaa waxaa qabsaday Ciidanka Dowlada oo si xoogan u soo buxiyay aagaga dagaalka.

Muddo ka dib waxaa bgilowday Madaafiic la isdhaafsanayay waxaana si xoogan goobta u soo gaaray Ciidamo gurmad u ahaa ALshabaab oo weerar rogaal celis ah soo qaaday.

Weerarka oo dhacay abaara 12:30-Mirir ah xiligii Salaada Duhur waxa uu sababay in dagaal qaraar uu dhaco kaasi oo sababay in Ciidanka Alshabaab ay dib ugu noqdaan aagagii ay qabsadeen Ciidanka Dowlada oo dib u gurtay.

Madaafiic ayaa meel walba ku habsatay taasi oo ka soo dhacaysay Xarumaha Amisom ay Muqdisho ka daganyihiin iyadoo qasaara ba’an uu gaaray dadka shacabka ah eek u haray xaafadaha Woqooyioga Muqdisho.

Madaafic ayaa dhanka kale lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya xiliga ay duqeynta bilaabanaysay waxaana jawaabtii ka soo baxday ay noqotay Qoriga PM-ka iyo Hoobiyayaal ku hoobtay xaafadaha la daganyahay.

Inta la ogyahay Degmada Kaaran oo kaliya waxaa ku dhintay 4-Qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 8-qof oo kale markii madfac uu ku dhacay guri shub ahaa oo dadka ay gabaad ahaan u soo qaadeen waxaana dadka dhintay ku jiray Wiil 5-Bilood dhalanaa iyo Hooyadiis.

Madaxda Gawaarida gargaarka ayaa waxa ay sheegen in ay Isbitalada gaarsiiyeen 15-qof oo dhaawac ah kuwaasi oo Madaafiicda iyo rasaasta ay ugu tagtay xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Warar Madax banana aya sheegaya in Saraakiil sare oo Alshabaab ah ay maanta ku dhinteen Dagaalka ka dhacay Agagaarka Hotelka Global markii ay weerar rogaal celin ah ay ku qabsadeen aagagii ay joogeen markii dagaalka ay saaka qaadayeen dhankoda.

Warka ayaa sheegaya in raga dhintay uu ku jiro ninu dhashay wadanka Al-Geria kaasi oo ka barbar dagaalamayay Kooxda Alshabaab wallow aanay saraakiisha sare ee Xarakada wax hadal ah ka soo saarin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.