Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Amisom iyo Xoogaga Islaamiyiinta ayaa galabta ka dhacay wadada Dabka Ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa bilowday ka dib weerar ay soo qaadeen Ciidamada Xoogaga Mucaaradka kuwaasi oo fariisinada askarta Dowlada iyo kuwa Amisom ee wadada Dabka iyo shaqaalaha weerar gaadma ah ku soo qaaday.
Madaafiic ayaa jirtay la socotay dagaalka galabta dhacay kuwasi oo Ciidamada Amisom ay ku garaaceen xaafado ka mida Degmada Hodon Ee Muqdisho.
Dagaalka waxa uu ahaa mid xoogan balse waqti kooban ka socday wadada Dabka illa Shaqaalaha ee Muqdisho halkaasi oo Xoogaga kala duwan ay ku duldagaalameen shacabka wadada kaliya ee ay ka isticmalaan Magaalada Muqdisho .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.