Dagaal kooban oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Posted on Feb 28 2010 - 10:32am by News Desk
Tweet
Pin It

dagalBartamaha(Muqdisho):-Dagaal muddo kooban socday ayaa maanta ka dhacay Wadada Aadan Cadde Muqdisho ka dib markii Kooxaha Mucaaradka ay weerar ku qaadeen fariisinka laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid muddo yar socday balse madaafiic iyo rasaas xoogan ay isdhaafsadeen Islaamiyiinta MUcaaradka iyo Ciidanka Dowlada ee dagan afaafka hore ee Madaxtooyada dhanka Wadada Aadan Cadde.

Dagaalka ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxa uu ahaa mid aan dhawaanahan ka dhicin halkaasi wallow maanta ay weerarka qaadeen Islamaiyiinta Mucaaradka ah oo weerar la beegsaday fadhi ay askarta Dowlada ka ilaaliyaan madaxtooyada.

inta la ogyahay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa rasaas ay ku dishay 2-qof oo maraysay wadada Aadan Cadde ee suuqa Bakaraha oo ku aadanayd halka uu dagaalka ka dhacay oo ahayd meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Viila Somalia.

lama garan karo qasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalka tooska ah u dhexeeyay oo kala taabacsan Dowlada iyo Kooxaha Mucaaradka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.