Dagaal iyo Duqeyn Culus oo Saaka ka dhacay Woqooyiga Muqdisho

Posted on Mar 10 2010 - 7:05am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC05267Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal qaraar iyo duqeyn culus ayaa saaka ka dhacay Xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho taasi oo qasaara badan sababtay.

Duqeynta iyo dagaalka xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadaha Degmooyinka C/Casiis,Shibis iyo Boondheere ee woqooyiga Muqdisho ka dib markii Xoogaga Mucaaradka ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidanka Dowlada ee deegaanadaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu ka bilowday Agagaarka Hotelka Global ee Degmada C.Casiis ka dib markii Ciidamada Alshabaab ay weerar ku qaadeen askarta Dowlada goobaha ay daganyihiin ee woqooyiga Muqdisho halkaasi oo muddo dhowr bilood ah uu dagaal ka socanayay oo labada dhinac ay isaga soo horjeedaan.

Dagaalka xiliga suu socanayay waxaa barbar socanayay Madaafiic ka soo dhacaysay xarumaha Madaxtooyada iyo Xalane oo ay daganyihiin Ciidamada Amisom kuwaasi oo askarta dagaalamaysay ay ku saacidayeen madaafiicdaasi ku dhacaysay deegaanada ay joogan Islaamiyiinta.

Inta la ogyahay waxaa dhintay 4-qof markii Madfac uu kula dhacay Isgoyska Degmada Kaaraan Muqdisho iyadoo dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray dad shacab ah oo kale oo gawaarida gurmadka ay ka qaadeen goobo kala duwan oo muqdisho ka mida.

Dagaalada Magaalada ka dhaca ayaa waxa ay yihiin kuwa aan guula laga gaarin iyadoo dadka shacabka ah oo kaliya ay ku la’daan duqeynta iyo dagaalka dhex mara dhinacyada isaga soo horjeeda magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.