Dagaal goordhawayd ka Qarxay Degmada hodan ee Gobolka Banaadir.

Posted on Nov 22 2009 - 4:02pm by News Desk
Tweet
Pin It

breaking news

Bartamaha(Muqdisho):- Dagalkan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu goordhawayd ka qarxay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

Iska horimaadkani ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo uu dagaalku si xoog leh uga socdo xaafada Taleex oo ka tirsan degmada hodon.

Wararka aynu ka heleyno Degmada Hodona ee gobolka banaadir ayaa sheegaya in dagaalka la isugu adeegsanayo hubka culus iyo midka fudud, wuxuuna dagaalku bilowday abaara 5:30-kii galabnimo, xiligaas oo ay dad badan oo ku ganacsanayay Suuqa Bakaaraha iyo Isgoyska KM4 ay isu diyaarinayeen in ay guryahooda u hoydaan.

Sikastaba ha ahaatee Dagaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka qaar ka mid ah Ciidamada Amisom ay dhaqdhaqaaqyo ka sameynayeen, qeybo katirsan Degmadaasi hodan iyagoo gaaray Isbital Digfer ee ku yaal degmadaasi Hodan..

Kala soco bartamaha wixii kasoo kordha Dagaalkasi.