Dagaal Dowlada ku qabsatay dhul Muhiim ah.

Posted on Oct 13 2010 - 11:23am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalada.jpg-for-web-normalBartamaha (Muqdisho):- Dagaal xoog badan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Dowlada ay guula ka gaartay.

Dagaal qaraar oo xalay ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in Dowlada ay ku qabsatay dhul Muhiim ah oo ay horay u joogeen Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ah oo dhawanahan kula dagaalamayay Caasimada.

Dagaalka Xalay oo ka dhacay agagaarka Terbuunka illaa Xaafado ku dhowdhow Suuqa Bakaaraha ayaa sabab ka dhigay in Dowlada ay qabsatay Xaafado badan oo ay Islaamiyiinta Mucaaradka ku sugnaayeen Maalmihii u danbeeyay.

Xoogaga Islaamiyiinta iyo Ciidanka Dowlada oo dagaal faraha looga gubtay uu ku dhexmaray agagaarka Terbuunka,KPP illaa Isgoyska Bakaaraha ayaa waxa uu sababay in Mucaaradka dhul badan laga saaray.

Ciidanka Dowlada ayaa waxa ay dagaalka ku qabsadeen Isgoyska KPP iyadoo sidoo kale Wadada dheer ee gasha Al-Baraka halkaasi oo ay si xoog badan u joogi jireen Maleeshiyaadka Shabaab iyo kuwa Xizbul Islaam.

Dagaalka Xalay oo illaa saaka soo gaaray ayaa waxa uu sabab ka dhigay dhimashada 2-ruux iyo dhaawaca 14-kale oo dhammaan ah Xoogagii dagaalamayay oo isku hayay xalay aagaga dagaalka ee maalmihii la soo dhaafay ka socanayay Degmada Hodon.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].