Dagaal dhexmaray Koox Burcad Badeed ah Deegaanka Hobyo Ee Gobolka Mudug.

Posted on Dec 16 2009 - 4:17pm by News Desk
Tweet
Pin It

burcBartamaha(Hobyo):-Koox ka tirsan Burcad Badeeda ayaa isku rasaaseysay gudaha Deegaanka Hobyo halkaasi oo mudooyinka khilaaf lacag ka dhashay uu ka taagnaa.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhalinyarada Burcad Badeeda ee dagaalka ku gashay deegaankaasi kuwaasi oo isku haysta lacago markab laga qaaday.

Mid ka mida Burcad Badeeda ayaa dhintay Laba kale dhaawac ayaa gaaray markii rasaas muddo socotay ay ka dhacday gudaha Hobyo halkaasi oo dhawaanahan khilaaf maaliyadeed uu ka taagnaa.

Isku soo duube lama garan xalka ugu danbeeya ee Burcad Badeeda lacagta isku haysa halka uu ku danbeeyay wallow la dareemayo xaalad kacsanaan ah Xeebta Deegaanka Hobyo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.