Bartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo u dhexeeya Beelo wada daga Deegaanka Baardheere Ee Gobolka Gedo ayaa la sheegay in uu ka dhacay Deegaano hoosyimaada Baardheere.
Dagaalka labada Beel ayaa la sheegayaa in shalay oo dhan uu ka socanayay Tuulooyin hoostaga Degmada Baardheere kuwaasi oo labada beel ay rasaas toos ah ay isku dhaafsanayeen gudaha tuulooyinka ku teedsan Baardheere.
Khilaaf ba’an oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa Deegaanadaasi ayaa la sheegayaa in ay sabab ka dhigtay isku dhac fool-ka fool ah oo labada dhinac dhexmara.
Beelaha dagaalamay ayaa la xaqiijiyay in ay isku qabteen dhul-daqsimeed kaasi oo beelahaasi ay ku heshiin waayeen iyo Ceelal biyoodyo ku yaala daafaha Degmada Baardheere.
Maamulka Islaamiga ah Ee Magaalada Baardheere ayaa haatan isku howlaya in ay kala dhexgalaan labada beelood ee shalay dagaalkoodu uu bilowday kuwaasi oo iska dilay in ka badan 5-ruux oo labada dhinac ah.
Ciidamo fara badan oo kuwa Deegaanka Baardheera ah ayaa la sheegay in ay xalay u anba’bexeen goobihii shalay la isku fara saaray isla mar’ahaanataana ay doonayaan in ay kala dhexgalaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.