Dadka ku dhaqan Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool oo iska eryay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isgu jira oo dhibaata ka geystay dhawaan Deegaankaasi.

Posted on Jun 30 2009 - 8:30am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha(Muqdisho):-Dadka ku dhaqan Deegaanka Yeed oo ka mida Gobolka Bakool ayaa waxa ay dagaal la galeen Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira kuwaasi oo dhawaan dad ku dilay gudaha Deegaankaasi.

Dhalinyarada Deegaankaasi Yeed oo kaashanayay Maamulka Deegaanka ayaa dagaal la galay Ciidamadaasi oo ay ku kiciyeen dhammaan dadka Deegaanka kuwaasi oo dhagaxto ku tuurayay Ciidamada soo galay dhawaan deegaanadaasi.

 

Rasaas aan qasaara xiligaasi sababin ayay isdhaafsadeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowlada ee iskaashanayay iyo dhalinyaro hubaysan oo deegaankaasi ahaa oo dad dhagaxyo tuurayay gacan ka helyay.

Dagaalkaasi ahaa kii ugu horeeyay ee deegaanka Yeed ka dhaca ayaa waxa uu sabab ka dhigay in Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa Soomaalida ay isaga baxaan gudaha Deegaankaasi kuwaasi oo fariisin ka samaystay duleedka yeed oo ah meel 5-KM gudaha ugu soo jirta dalka soomaaliya xadla uu la wadaago Itoobiya.

Gudoomiyaha Deegaanka Yeed C/Faaqid axmed ayaa shaaca waxa uu ka qaaday in ay la dagaalamayaan haddiin ay askartaasi markale soo galaan Degaankaasi isagoo sheegay in nhorey dadka deegaanka ay uga caroodeen dilal bareer ah oo loo geystay laba dhalinyaro deegaankaasi ahayd.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.