Dadaalo Lagu Heshiisiinayo Beeralay iyo Xoolalay ku Dagaalamay Tuulada Beerxaani ee ku Taal Galbeedka Magaalada Kismaayo oo Maanta lasoo afjaray

Posted on Jul 30 2009 - 7:19pm by News Desk
Tweet
Pin It

Wax garad  iyo Culumaa’udiin  Maalmihii lasoo dhaafay ka tagey Magaalada Kismaayo Ee Xarunta  Gobalka J/hoose  ayaa waxa ay Maanta ku guulaysteen in ay Xaliyaan  Qilaafaad u dhexeeyay  dad Xoolo dhaqato  ah  iyo Beeraley  oo kuwada Nool  Agagaarka Tuulada Beerxaani Ee galbeedka  Magaalada Kismaayo.

 Waxaa Maalmihii la soo dhaafay  ay Dagaalo ka dhaceen Deegaanada  galbeed Ee   Magaalada Kismaayo kuwaasi oo u dhaxeeyay  Dad iyagu Xoolo Dhaqato ah iyo iyo beeralay  waxa ayna isu geysteen  dhaawacyada  ilaa labo qofood waxaana la soo gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo halkaasi oo lagu daweynayo.

 Maalin ka hor  ayaa Odayaasha  Dhaqanka Ee Deegaanka Beerxaani iyo  Masuuliyiin ka tirsan  Maamulka Islaamiga ah Ee  Magaalada Kismaayo waxa ay  gaareen  Goobaha ay dagaaladu ka dhaceen  Maalmihii la soo dhaafey  waxaana ay Maanta ku  guulaysteen in ay  Heshiis kama dambays dhexdhigaan labada dhinac  islamarkaana  waxa ay ugu baaqeen labada dhinac in  ay si  nabadgalyo   ah  kuwada noolaadaan ,

 Isku soo wada duuboo Is qabqabsiga iyo Dagaalada u dhexeeya Beeraleyda iyo Xoolaleyda ayaa ah mid soo noqnoqota Sanad walba.

 

Ismaaciil  Cali  Cabdi

www.bartamaha.com

kismaayo-somaaliya