Dadaalo lagu dhex-dhexaadinayo Xizbul Islaam iyo Maxkamadaha Islaamiga ah oo ka socda B/Weyne.

Posted on Jun 28 2009 - 8:58am by News Desk
Tweet
Pin It

balad-weyne2Bartamaha(Muqdisho):-Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u marayso dadaalo ay ku dhex-dhexaadinayaan labada dhinac ee isku haya Magaalada B/Weyne kuwaasi oo ka kala tirsan Maxkamadaha Dowlada raacsan iyo Kooxda Xizbul Islaam.

Nabadoon Maxamud Axmed Xooshow (Korontaale) oo  ah gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dadaalo la isku soo horfariisinayo labada kooxood Ee Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Xoogaga Xizbul Islaam oo horay ugu dagaalamaya Magaaladaasi.

Nabadoonka ayaa sheegay in ay dhawaan rajaynayaan in la is horkeeno saraakiisha hoggaanka ka ah labada koox ee Siyaasada ku kala duwan kuwaasi oo uu sheegay in ay u kala dabqaadayaan odayaasha iyo waxgaradka Deegaanka.

Nabadoon Maxamud Axmed Xooshow ayaa muujiyay raja balaaran oo ay ka qabaan in ay heshiis gaaraan labadaasi kooxood oo uu sheegay in ay u xalinayaan qaabka deegaan wadaagga labada kooxood isla mar’ahaantaana aanay wax dhibaata ah ka jirin haatan in la wada hadlo.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.