Dad u dhintay iyo qaar la ildaran raashin Sumaysan oo ay qeybisay hay’ada ICRC gudaha Gobolka Bay.

Posted on Apr 4 2010 - 7:42am by News Desk
Tweet
Pin It

4b55c4fc6Bartamaha(Baydhabo):-Hay’ada ICRC raashin ay qeybisay ayaa la soo sheegayaa in dad badan ay ku dhinteen kuwa kalana ay la ildaranyihiin gudaha Gobolka Bay.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bay ayaa sheegaya in 2qof ay dhinteen 50-kalana ay la ildaranyihiin Caafimaad daro markii ay cuneen raashin ay qeybisay hay’ada ICRC.

Raashin ay qeybisay hay’ada ICRC oo la siiyay dadka barakacayaasha ah eek u dhaqan Gobolka Bay ayaa la ogaaday in uu ahaa raashin sumaysan dad badana ay ku sumoobeen.

Labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay u dhinteen raashinkaasi sumaysan waxaana dhibaato caafimaad ay haysataa in ka badan 50-qof oo ka mida Barakacayaasha raashinkaasi cunay.

Dhibaatada caafimaad ee laga dhaxlay raashinkaasi sumaysan ayaa waxa uu sabab ka dhigay in la qabto saraakiil ka mida ICRC oo loo haysto raashinkaasi ay ka qeybiyeen Gobolkaasi Bay.

Waa markii ugu horaysay ee dhawaanahan dad ay u dhintaasn raashin sumaysan oo ay qeybiyaan qaar ka mida hay’adaha Gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.