Bartamaha (Boosaaso):-
Howlgal balaaran oo xalay Ciidanka Amniga Boosaaso ka sameeyeen ayaa lagu qabqabtay dad badan oo looga shakiyay ammaan daro cishooyinkii la soo dhaafay la dareemay.Howlgalka xalay oo ahaa mid balaaran ayaa daba joogay dhalinyaro looga shakiyay dilka wadaad Caan ka ah Boosaaso oo habeen ka hor magaaladaasi lagu dhex dilay xilli uu ka soo baxay Masjid uu Imaam ka ahaa.
Howlgalka Xalay illaa saaka socanayay ayaa waxaa saxaafada warbixin ka siiyay Wasiirka Amniga Puntland Gen. Yuusuf Axmed Kheyre oo sheegay in Howlgalka uu amniga la xiriiray laguna beegsanayay kooxo shaki laga qabo.
Wasiirka waxa uu wejiya badan u yeelay Howlgalkii xalay bilowday isagoo sheegay in dadka la soo qabanayay qaarkood ay jkabiyeen amarka maamulka magaalada oo ay wadooyinka ku ganacsanayeen halka dhalinyaro badan oo la soo qabtay amniga ay halis ku ahaayeen.
Wasiirka waxa uu ugu danbayntii sheegay in Howlgalka uu yahay mid weli socanaya dhawaana ay soo bandhigayaan natiijada ka dhalata baaritaan lagu wado boqolaal dad ah oo la aaminsanyahay in amniga ay halis ku ahaayeen.
Howlgalada ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxa ay iska ahaayeen kuwa joogta ah waxaana haatan la hayaa dhalinyaro badan oo shaki balaaran looga qabo dilkii Wadaad Imaam ahaa habeen ka hor loogu geystay gudaha Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika