Dablay xalay rasaas ku furay gaari marayay wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.

Posted on Oct 4 2009 - 7:56am by News Desk
Tweet
Pin It

1107Bartamaha(Jowhar):-Kooxo hubaysan ayaa xalay rasaasayn u geystay gaari marayay wadada u dhexeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Dablayda hubaysan ayaa la sheegay in ay rasaaseeyeen gaariga marayay Deegaanka Qalimow Ee gobolka Sh.dhexe halkaasi oo dhibaato xoogan ay ka soo gaartay rakaabkii gaarigaasi.

1-Qof ayaa ku dhintay 2-kalana waa ay ku dhaawacmeen rasaasta kooxaha hubaysan ay ku fureen gaarigaasi iyadoo aanay u suurta galin dhac ay gaarigaasi u geystaan .

Deegaanka gaariga lagu weeraray ayaa waxaa ka taliya Ciidamada Alshabaab kuwaasi oo aan illaa haatan la garan sababta koxahaasi burcada ah ay dhaca ugu geysanayaan gawaarida dadweynaha.

Dhawaanahan ayaa la soo sheegayaa in Ciidamada Alshabaab Sh.dhexe ay adkeynayeen ammaanka wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad halkaasi oo ay ka soo bexeen kooxo tuuga ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.