Degmada Bursaalax:Dabley weerartay xarunta shirkadda isgaarsiinta Golis

Posted on Feb 24 2010 - 7:01am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaaBartamaha(BurSaalax):-Koox hubaysan oo la hadal haayo in  ay ahaayeen  Burcad Badeed ayaa Xalay fiidnimadii weerar ku qaaday Xarunta Shirkada Isgaarsiinta Golis ee degmada Bursaalax.

Dablayda oo wadatay Hubka Fudud ayaa waxa ay xoog ku galeen Xarunta Shirkada Golis halkaasi oo ay ku dileen Gudoomiye ku xigeenka Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug iyo qof kale .

Dilka ay geysteen Kooxda hubaysan ayaa waxaa la hadal hayaa in uu salka ku hayo isku dhac ka dhexeeya Kooxda weerarka soo qaaday oo Burcad Badeeda ka tirsan  iyo shirkada isgaarsiinta Golis.

Gudoomiye ku xigeenka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi kheyre Mire kaasi oo ku dhintay gacanta Kooxda soo weerartay Golis Bursaalax iyadoo qofka kale uu dhaawac ahaan uu u dhintay.

Deegaanka Bursaalax ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ay u jiraa in ka badan 45 km, waxaana uu hoostagaa Maamulka degmada Galdogab ee gobolka Mudug.

Ma jiro wax faah-fahin ah oo ay bixiyeen madaxda kale ee maamulka Gobolka Mudug oo Deegankaasi uu hoos yimaado marka laga reebo in ammaanka Bursaalax la adkeeyay oo Ciidamo Booliiska ah ay ku soo bexeen dhacdadani.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliya

Muqdisho-Somalia.