Dab qasaara sababay oo ka ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Posted on Oct 4 2010 - 4:59pm by News Desk
Tweet
Pin It

dabBartamaha (Muqdisho):- Dab qasaara xoogan gaystay ayaa maanta ka kacay suuqa Bakaaraha markii Madfac uu ku dhacay Suuqa Bacadlaha Ee Bakaaraha.

Dabka ayaa waxa uu kacay gabal dhicii maanta ka dib markii madfac ay soo rideen Ciidanka Amisom uu ku dhacay qeyb ka mida Suuqa Bacadlaha gaar ahaan qeyb ku dhow Cabdalla Shideeye halkaasi oo dab xoog leh uu ka kacay.

Dabka ayaa maanta saameeyay dhismayaashii ku dhawaa goobta uu madfaca ku dhacay ka dibna uu dabka ka dhashay waxaana guud ahaan gubtay dhismayaashii ganacsiga ee Bacadlaha Cabdalla shideeye ka hor inta aanm lagu guulatysan daminta dabkaasi.

Dabka waxa uu sidoo kale gubay qeyb ka mida Masjidka Qubaa oo ku yaalay Suuqa Cabdalla shideeye Ee Bakaaraha waxaana halkaasi ka dhashay qasaara hanti u badan iyadoo madfaca aanu sababi qasaar nafeed.

Ma aha markii ugu horaysay ee dab nuucaani ah uu ka kaco suuqa Bakaaraha waxaana la xasuustaa in marar badan uu gubtay suuqaasi oo ah goob ay dadka ku ganacsadaa balse maalin walba shacabka ay ku dhamaadaan madaafiicda laga dhex tuuro jawaabta ku soo dhacaysa oo qasaarahaasi sababta.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].