Daawo: Gacantii Suarez ee badbaadisay dalkiisa Uruguay, Fursadii ugu qaalisanayd ee Ghana & Afrika soo marta & Rigoorooyinkii Ghana – Uruguay (VIDEO Buuxa)

Posted on Jul 3 2010 - 4:35am by News Desk
Tweet
Pin It

South Africa Soccer WCup Uruguay GhanaBartamaha — Ciyaartoyda Ghana oo ay taageerayaan dhamaan dadka reer Afrika ayaa maanta ciyaarteedii ay la dheelaysay Uruguay ay muujisay dadaal dheeraad ah, ciyaartan ayaa ahayd qeytii is reebreebka 8da kooxood, hadday Ghana ka badiso Uruguay waxay noqon lahayd dalkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee soo gaara is reebreebka 4ta kooxood ee kama dambaysta ah.

Ciyaartan ayaa waxay 90kii daqiiqo ee ugu horeeyay ku dhamaatay 1 -1, waxaana lagu daray 30 daqiiqo, daqiiqaddii ugu danbaysay ee 30ka daqiiqo waxaa dhacay in kubaddu ay  kusoo noqnoqotay goolka Uruguay, waxaana markii ugu danbaysay gacantiisa ku celiyay isagoo difaacaya goosha dalkiisa Luis Suárez oo ka ciyaara dhanka weerarka. Taasina waxay sababtay in Ghana la siiyo rigooro isla marahaantaana Luis Suárez waxaa la siiyay calaamadda cas oo garoonka looga saaray.

Ciyaartu markay halkaas maraysay ayaa waxaa qof walba niyadiisa ku jirtay in Ghana ay u gudbi doonto Semi Final-ka oo rigooradan way dhalin doonaan, Rigooradan ayaa ahaan lahayd midii ay Ghana taariikhda ku qori lahayd in dalalka Afrika ay soo gaari karaan qeyba Semi-Finalka (4ta kooxood ee ugu dambeeya), laakiin nasiib darro ciyaaryahanka Gyam ayaa hawa u qaaday kubadda oo ku dhuftay birta qeybteeda kore, Isla mar ahaantaasna garsooruhu wuxuu ku dhuftay seeriga wuxuuna gacantii ku tilmaamay in ciyaartu ay u gudubtay Rigoorooyin in loo kala tuurto labada dhinac.

Daawo sida Ghana ay isu dhaafisay fursaddii ugu qaalisanayd ee soo marta Afrika dhanka kubadda cagta iyo sida ay wax noqdeen:

Halkan ka daawo sida ay ghana ugu soo dhowaatay inay taariikhda kubadda cagta ee aduunka ay maanta ku qormato iyo sida loogaga xeelad sareeyo dhanka tuurashada rigoorada.