Daahir Maxamuud Geele “Shabaabka daganaansho uma doonayaan dalkan …Ina Godane isagaa masuul ka ahan jiray ammaanka Ajaanibta”

Posted on Feb 25 2010 - 7:50am by News Desk
Tweet
Pin It

5402Bartamaha(Muqdisho):-Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG ah ayaa si kulul u weeraray siyaasada Koxda Alshabaab ay uga howlgalayaan Soomaaliya.

Daarir Maxamuud Geele Wasiirka Warfaafinta Dowlada Soomaaliya ayaa si kulul u weeraray qaab dhaqanka Kooxda Shabaabka.

Wasiirka ayaa sheegay in Alshabaab aanay doonayn in ammaanka dalka soomaaliya uu isbadal ku yimaado balse ay dantoooda tahay in qaska uu sii socdo si ay danahooda u gaaraan.

“Shabaabka daganaansho uma doonayaan dalkan waayoo maalin waliba waxa ay keenayaan dad baxsad ka ah dalalkoda oo dad soo laayay ama argagixiso ah…Ninka hadda amiirka u ah Ina Godane isagaa masuul ka ahan jiray ammaanka Ajaanibta muxuu hadda ku diidayaa AMisom hadda waxa uu wadaa ajaanib kale oo doonayo in uu dalka ku qabsado…” ayuu yiri Md.Daahir Geele.

Wasiirka ayaa sheegay in  Shabaabka ay ahaayeen kuwa xiligii maxkamada dhib wadi jiray oo si hoose ay raga kale ee maxkamada ay u xalin jireen balse haatan ay ka dareen.

Ugu danbayntii Wasiirka Warfaafinta Dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu xusay in dhalinyarada laga dhaadhiciyay in ay laayaan dadka Bulshada wax galka u ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.