Col.Qeybdiid oo noqday Hogaamiye si hoose u maamula Gal-Mudug State

Posted on Dec 29 2010 - 1:26pm by News Desk
Tweet
Pin It

qeybdiidBartamaha (Muqdisho):- Taliyihii hore Booliiska ahaana Wasiirkii hore Ee Macdanta iyo Biyaha Dowlada KMG ah ayaa noqday Hogaamiye Kooxeed qaab qabiil faraha ula galay maamumulida Gal Mudug state.

Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Taliyihii Ciidanka Booliiska Dowlada KMG ah ayaa u laabtay deegaanka beeshiisa u badan tahay Ee Konfurta  Gaal-Kacyo waxaana uu bilaabay maamumilada awooda maamulkaasi.

Cabdi Qeybdiid waxa uu joogaa Galkacyo sida warar xaqiiqda ku salaysan ay Bartamaha ku heshay waxaana uu hadda noqday taliye Ciidan iyo Ninka looga tala qaato Ammaanka guud ee Deegaanada Gal Mudug la isku yiraahdo.

Ninkan oo firfircoonidiisa iyo shaqooyinkii la aaday dhanka Gaalkacyo ayaa waxa uu ahaa masuulkii ka danbeeyay xalinta Khilaaf maamuleed u dhexeeyay Madaxda Gal Mudug waxaana taasi raacsan in uu hadda yahay ninka loo tala doonto.

Masuulkan waxa uu shalay Xabsiga in la dhigay Amray rag Caan ah oo ganacsata ah waxaana uu amray illaa ay lacagta lagu qoray dhiibaan in aan Xabsiga laga soo daynin taasin oo kacdoon hada ka dhex abuurtay madaxda Maamulkaasi.

Madaxweyne Caalin ayaa noqday magac u yaal waxaana Hab maamuleedka kala sii wareegaya ninkaasi sargaalka ahaa oo dhawaan maleeshiyo gooni ah samaystay isagoo xerxeray ciidan isbaaro u taalay duleedka Gaalkacyo.

Lama garanayo sababta keentay in Gen.Qeybdiid uu isku badalo hogaamiye Maleeshiyeed iyo Hogaamiye Maamul Goboleed taasi dad badan ay ka yaaban yihiin sababta keeni karta in hogaamiyahaasi uu Gal Mudug  shaqa maamuleed u tago.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]