Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Ciidamada Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya ayaa waxa uu baaq u diray dhammaan waalidiinta caruurtooda ay dagalada ku jiraan kuwaasi oo qaarkood maydadkooda laga helay shalay qeyba ka mida Muqdisho.
Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in ay shalay ku dileen dagaalkii ay la galeen kooxaha uu u yaqaano Nabad-diidka caruur aad u yar-yar oo ku dhiiranaa dagaalada ay dowlada ciidamadooda la galayeen.
Col.Bariise ayaa sheegay in ay si weyn uga xunyihiin in ay arkaan maydadka caruur aad u da’yar kuwaasi oo yaala wadooyinka taasi oo uu sheegay in ay si weyn u badashay niyadooda maadama dhallaankii soomaaliyeed ay dagaalada horkacayaan.
C/laahi Bariise ayaa sidoo kale tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in waalidiinta ay caruurtooda ka adkaan waayaan isla mar’ahaantaana ay dagaalada ku dhiiradaan ka qeybgalkooda taasi oo uu ku tilmaamay wax laga argagaxo.
Afhayeenka Ciidamada Booliiska ayaa ugu danbayntii waxa uu waalidiinta ay ubadkooda ka qeybgalayaan dagaalada Muqdisho ugu baaqay in muddo kooban gudaheed kala baxan dagaalkasi isla mar’ahaantana ay ku soo wareejiyaan Dowlada haddii ay uga baqaan kul laabshada dagaalada.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii dagaalo qaraar ay shalay ka dheceen magaalada Muqdisho iyado dowlada ay sheegtay in ay ku dileen askar ka mida kuwa Islaamiyiinta oo u badnaa dhalinyaro Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.