C/nuur Axmed Darmaan oo ah Madaxweyne iskiis isku magacaabay ayaa shaaca ka qaaday in uu dhawaan Xizbigiisa uu soo dayn-doono Maxaabiista Soomaalida Ee ku xiran Dalka Liibiya.

Posted on Jul 28 2009 - 9:22am by News Desk
Tweet
Pin It

darmaan jamhuurigaBartamaha(Dubai):-Mud.C/nuur Axmed Darmaan oo ah hoggaanka Xizbiga Midnimada Jamhuuriga ahna Madaxweyne kaligiis ismagacaabaya ayaa sheegay in uu dhawaan xabsiyada dalka liibiya ka soo dayn doono maxabiista ku xer-xeran halkaasi.

C/nuur Darmaan oo ku sugan Wadanka Imaaraadka  oo la hadlayay Warfidiyeenada  gudaha dalka soomaaliya ayaa ku faanay in uu soo dayn doono dhawaan Maxaabiista Soomaalida ah Eek u xeran xabsiyada Liibiya.

Darmaan Madaxweynaha ismagacaabay ayaa waxa uu intaasi ku daray in uu socdaalkiisa xiligan ku wajahanyahay Liibiya si uu Maxaabiista xiligan cuntada ka sooman uu u bad-baadin lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Hoggaanka Xizbiga la magac baxay  Midnimada Jamhuuriga c/nuur Darmaan ayaa sheegay in maamulkiisa uu horey xabsiyada dalalka Girriiga iyo Turkiga uga soo daayay dhalinyaro soomaaliyeed oo halkaasi muddo ku xer-xernayd.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha ismagacaabay Ee xizbiga Jamhuuriga C/Nuur Darmaan  ayaa waxa uu imaanayaa xilli madaxweynaha dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu gaaray dalka Liibiya balse uu furay wada hadalo lagu soo daynayo Maxaabiista soomaaliya ee Dalkaasi ku xeran.

Lama oga Hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha Xizbiga Midnimada Jamhuuriga ahana madaxweyne aan dalka shaqa ka haynin balse ismagacaabay sida uu ugu guuleysan karo in uu soo daayo Maxaabiis uu wada hadal ka galay Madaxweyne Caalmka laga aqoonsanyahay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia