Bartamaha (Boosaaso):- Dagaal xoog badan oo muddo kooban socdsay ayaa maanta dhexmaray Ciidanka Sheekh Atam iyo kuwa Puntland .
Dagaalka ayaa bilowday markii Ciidanka Sheekh Atam ay weerar ku qaadeen saldhigyada Cusub oo ay dageen askarta Maamulka Puntland kuwaasi oo dagaal uga saaray Buuralayda Gobolka Bari kooxdii Sheekh Atam.
Dagaalka maanta dhacay ayaa la xaqiijiyay in uu sababay dhimashada 2-askari iyo dhaawaca 8-kale oo dhammaan ah askarta Puntland markii ay la kulmeen weerar gaadma ah oo dhanka sheekh Atam ka yimid.
Tuulada Madshoob oo ka mida Buuralayda Gobolkaasi ayaa waxa l;a sheegay in ay ku suganyihiin Ciidan xoogan oo ka mid ah Kooxda uu horboodo Sheekh Maxamed Siciid Atam oo mucaarad ku ah Dowlada Puntland.
Xaalada ayaa dagan waxaana guul dagaalk aka sheegtay saraakiisha Hogaamisa Ciidanka Puntland oo sheegtay in ay laayeen askar ka mida Kooxda Atam oo dagaalka saaka ku soo qaaday saldhigyada Puntland.
Xaalada deegaanka ayaa dagan waxaana xilli waliba laga baqanayaa dagaal hor leh oo ka qarxa dhulka Buuralayda ah Ee Gobolka Bari halkaasi oo weli ay ku dhuumaalaysanayaan Kooxda uu hogaamiye Sheekh Atam.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.