Beledweyn — Ciidanka Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee G/hiiraan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka waday Gobolka qeybo kamid ah howlo amaan sugid lagu sheegay.
Â
howlgalkan ayaa waxaa uu ka socday Xaafado kamid ah Degmada B/weyne sida Xaafada Buundo-Weyn,DHagax jibis iyo daafaha Magaalada B/weyne.
Â
Ibraahin Yuusuf Oo ah ninka u qaabilsan amaanka Maamulka ayaa waxaa uu usheegay Saxaafada u sheegay in Howlgalkan uu ujeedkiisu yahay sidii loomeel marin lahaa Amaanka Degmada iyo daafaheeda oo maalmihii u dambeeyay umuuqanayay mid sii dhacaya.
Â
Howlgalkan Oo umuuqda mid ka badalan kuwii hore kadib markii Ciidanka Amaanka u xilsaaran ay bilaabeen in ay baaritaano xoogan ku sameeyaan gawaarida kala duwan ee isticmaala wadooyinka Magaalada iyo kuwa soogalaya si aysan wax amaanka lid ku ah si kadis ah ugu dhicin.
Â
Howshan amaan sugid ah ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada B/weyne iyadoo wadooyinka Magaalada lagu arkayo gaadiidka dagaalka oo ay saaran yihiin Ciidanka amaanka Oo rondo ku maraya.
Â
Si kastaba ha’noqotee Howlgalkan ayaa imanaya xili ay Magaalada ka dhaceen qaraxyo Ismiidaamin ah iyo bam gacmeedyo ka dhaceen gudaha Magaalada B/weyne.
Ibraahim Muxumed
Bartamaha wararka Soomaaliyeed
www.Bartamaha.com