Ciidanka Dowlada oo xalay la qarxiyay iyo qasaaraha oo sii kordhaya.

Posted on Nov 9 2010 - 9:33am by News Desk
Tweet
Pin It

qaraxBartamaha (Muqdisho):- Qarax Bam oo Xalay lala beegsaday Ciidanka Dowlada ayaa sababay qasaara kala duwan oo gaaray Askarta iyo Shacab.

Qaraxa ayaa dhacay abaara 8:00 Fiidnimo ee Xalay ka gadaal markii Koox aan la garan ay Bam gacmeed ku tuureen Askarta Dowlada xilli ay marayeen agagaarka Shaleemo Supper Ee Degmada X/Weyne.

Ciidanka la qarxiyay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa Booliis ah oo xiligaasi samaynayay Howlgal la socodka ammaanka guud ee Degmada Xamarweyne Ee Magaalada Muqdisho oo dhawaanahan kooxo amni daro samaynaya ay ku soo badanayeen.

Qaraxa markii la maqlay ayaa waxaa barbar socanayay rasaas Bistoolado ka dhacaysay oo ay kooxdii Bamka tuurtay raaciyeen Qaraxa waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay waxyeela ba’an ay ka soo gaartay rayid iyo Ciidan.

Inta la ogyahay Askari Booliis ah ayaa dhintay 4-kale  dhaawac ayaa soo gaaray ka dib Bamkii lagu qarxiyay Ciidanka Booliiska iyadoo sidoo kale illaa 8-ruux oo shacab ah Bamka uu waxyeela u gaystay.

Ciidanka Dowlada ayaa rasaas hawada u furay markii qaraxaasi askarta qaarkodo ay ka badbaadeen waxaana guud ahaan xaalada ay noqotay mid qalqal iyo cabsi ay ka muuqato iyadoo la waayay goob ganacsi ee furan.

Muddo markii jawiga uu qasnaa ayaa dadka qaarkood ay dib u soo noqdeen waxaana goobta laga qaaday qaar ka mida dadkii dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxii Xalay ay kooxda hubaysan ku tuureen Ciidanka Dowlada.

Saraakiisha Booliiska ayaa saaka Ciidan badan ku daadiyay wadooyinka Degmada Xamar-weyne iyadoo baaritaan adag la marsiinayay dadka shacabka ah ee dhaqdhaqaaqa ka samaynaya Degmadaasi.

Jawiga ayaa ah mid dagan wallow la qabqabtay dhalinyaro badan oo looga shakiyay falkii qaraxa Bam ahaa ee xalay ka dhacay Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho oo falalka amni darada ah ay ku soo badanayeen maalmihii u danbeeyay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].