Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada KMG ah ayaa la siiyay Mushaarkii ka maqnaa muddo dhowr bil ah iyadoo dhawaan ku dhaqaaqaya howlgal ay magaalada Muqdisho kula wareegayaan.
Sida aynu ka helnay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xeryaha Ciidamada Dowlada waxaa la qeybiyay Mushaarkii askarta Dowlada iyadoo askari waliba la siiyay lacag dhan 200$ taasi oo lagu sii qancinayo Ciidamada Mishaar la’aanta ahaa muddo dhowr bil ah.
Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay yihiin kuwa ku faraxsan qaadashada lacagtaasi oo ay in mudda ah sugayeen iyadoo la filayo maalmaha nagu soo aadan in ay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan magaalada.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ciidanka Dowlada labada cisho ee nasoo aadan ay dagaal qaadi doonan si magaalada Muqdisho ay ula wareegaan wallow aan illaa haatan si cad loo shaacin.
Dhaqdhaqaaq ayaa laga dareemayaa madaxtooyada dhexdeeda iyadoo la xeray laba sargal oo looga shakiyay xiriir wanaag kala dhexeeya Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo haatan ay Amisom gacanta ku hayaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.