Ciidanka Amisom oo badbaadinaya Villa Somalia iyo dagaal weli socanaya.

Posted on Jul 20 2010 - 9:41am by News Desk
Tweet
Pin It

amisommBartamaha  (Muqdisho):-Ciidamada Amisom ayaa madaafiic iyo Taangiyada dagaalka ku difaacaya Villa Somalia oo ay aad ugu soo dhawaadeen Maleeshiyada Alshabaab.

Taangiyada Amisom ayaa dibada loo saaray ka dib markii Alshabaab ay ku soo dhawaadeen dhinaca Bari ee Villa Somalia taasi oo keentay in la joogi waayo gudaha Madaxtooyada .

Dagaal u muuqda mid lagu doonayo badbaadinta Villa Somalia ayaa waxa uu ka socanayaa Isgoyska Boondheere oo aad ugu dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo ay maalin ka hor qabsadeen Maleeshiyada Alshabaab kuwaasi oo weerar ka soo qaaday Wadada Siinaay iyo Manabooliyo.

Maleeshiyada Shabaab ayaa la sheegaya ain ay koreen dhismaha Wasaarada Arimaha Gudaha taasi oo u sahashay in ay rasaasta Boobayaasha ka dhacaysa ay si gaar ah ula beegsadaan qof walba ee ka dhex dhaqaaqaya Madaxtooyada gudaheeda sida ay sheegayaan dad ku dhow Villa Somalia.

Taangiyada Amisom ayaa la sheegay in lagu garaacay xaafadaha Degmada Boondheere iyo Shibis oo ay shabaabka si xoogan u soo galeen iyagoo hamigooda yahay la wareegida Madaxtooyada Soomaaliya oo ay qalqal galiyeen saacadihii la soo dhaafay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha xaalada taagan kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.