Ciidan Ethiopian ah oo soo gaaray Gobolka Bakool.

Posted on Sep 29 2010 - 5:17pm by News Desk
Tweet
Pin It

ethiopia_army_Bartamaha (Bakool):- Ciidan Ethiopian ah oo xoog badan ayaa saacadihii ugu danbeeyay soo buux dhaafiyay Gobolkaasi Bakool oo ay joogaan askarta Dowlada.

ciidamo farabadan oo Ethiopian-ah ayaa waxa ay soo gaareen deegaano badan oo ka mida Gobolka Bakool oo intiisa badan ay maamulaan maleeshiyaadka shabaab.

Gobolka Bakool ayaa laga soo sheegayaa in ay Ciidankan soo gaareen saacadihii la soo dhaafay ka dib markii ay soo galbiyeen askar tababar loo soo dhameeyay oo ka timid Ethiopia.

Deegaanka Ceel Barde iyo Sidoo kale Quracjoome ayaa laga soo sheegayaa Ciidankaasi waxaana ay dageen duleeyada labadaasi degmo oo ka mida Gobolka Bakool.

Saraakiisha Ciidanka wata ayaa waxa ay la kulmeen Odayaasha Deegaanka iyagoo kala hadlay Nabada sidoo loo adkayn lahaa islamarkaana loola socon lahaa dhaqdhaqaaqa dadka ammaan darada ka masuulka ah.

Ujeedada ciidankan ayaanan la ogayn waxaana xilli walba la filanayaa in ay jiho u ruuqaansadaan maadaama deegaano ku dhowdhow halka ay yimaadeen ay ka taliyaan Kooxda Alshabaab.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.