Ciidamo ka tirsan Dowlada Fd Soomaaliya oo xalay isku dhiibay maamulka Xizbul Islaam galbeedka B/Weyne.

Posted on Jul 23 2009 - 7:07am by News Desk
Tweet
Pin It

dhagBartamaha(Balad Weyn):-Ciidamadan oo gaarayay 50-askari ayaa xalay fiidnimadii hore waxa la shaaciyay in ay isku dhiibeen Kooxda Xizbul Islaam Ee gacanta ku haysa galbeedka magaaladaasi Baladweyne.

Xalay Fiidnimadii hore ayaa dadka ku dhaqan gal-beedka Magaalada B/Weyne waxa ay arkeen Ciidamo aad u fara badan oo ku libisan dareeska Ciidamada dowlad kuwaasi oo u soo gudbay dhanka Galbeed Ee Magaaladaasi.

Dadka ayaa bilaabay in ay guryahooda ku cararaan iyagoo ka baqdin qabay isku dhac dhexmara Ciidamadaasi iyo kuwa Kooxda Xizbul Islaam iyagoo aan la socon sababta keentay in si ammaan ah ay halkaasi ugu soo gudbaan.

Sargaal u hadlay saaka Kooxda Xizbul Islaam oo lagu magacaabo Sheekh Maxmed Ibraahim Aadan ayaa waxa uu sheegay in Xalay ay isku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya.

Sheekh Maxmed Ibraahim afhayeenkaasi u hadlay Kooxda Xizbul Islaam ayaa tilmaamay in Ciidamada ka tirsanaa kuwa dowlada ay gaarayeen 50-askari oo ku hubaysan hubka nuucyadiisa fudud.

Ma aha markii ugu horeysay ee Kooxda Xizbul Islaam Balad Weyne ay isku dhiibaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada iyadoo dhawaan ay ku biireen inta badan Ciidamadii Maxkamadaha Dowlada raacsanaa oo haatan ka howlgala Galbeedka magaaladaasi.

 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.