Ciidamo ka tirsan Amisom oo soo gaaray Muqdisho iyo fariisin loo raadinayo Ciidamadaasi.

Posted on Jul 29 2009 - 6:18pm by News Desk
Tweet
Pin It

ciidamo cusub amsoBartamaha(Muqdisho):-Ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Amisom ayaa la xaqiijiyay in ay soo gaareen Magaalada Muqdisho kuwaasi oo la dajiyay fariisinadii hore Ee Ciidamadaasi ku lahaayeen Muqdisho.

Warar lagu kalsoonyahay oo soo gaaray Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Muqdisho ayaa sheegaya in shalay galinkii danbe ilaa xalay ay garoonka Muqdisho ka soo dagayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom.

Ciidamadan oo u badan kuwa lugta ayaa la sheegayaa in ay ka soo kala jeedaan wadamada Ugandha iyo Burundi kuwaasi oo la sheegay in ay xalay fiidkii hore u kala gudbeen fariisinada Ciidamadaasi Muqdisho ay ku leeyihiin.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada soo gaaray shalay iyo Xalay garoonka Muqdisho ay gaarayaan ku dhawaad 400-500 oo askari kuwaasi oo ku hubaysnaa hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamadaasi ayaa la sheegayaa in la dajiyay fariisinada Ciidamada Burundiga Ee Jaamacada Umada Soomaaliyeed halkaasi oo si kumeelgaar ah loo dajiyay.

Wararka ayaa sheegaya in askartaasi Amisom loo baadi goobayo fariisino ay ka dagaan Magaalada Muqdisho iyadoo laga cabsi qabo dhawaan in Ciidamada Amisom ay weeraraan Ex-Wasaaradii Gaashaandhiga halkaasi oo ay daganyihiin kooxaha Islaamiyiinta islamar’ahaantaana aad ugu dhow dhismaha Kuliyadii Jaale siyaad oo ay daganyihiin askarta Amisom wadada Warshadaha.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.